Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Arimaha Bini aadannimada Geneva

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680690903564.jpg?resize=720%2C54

Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA Mudane Maxamud Macallin ayaa shirka Arimaha Bini aadannimada kaga qayb galay Magaalada Geneva ee dalka Switzerland isagoo halkaa ka jeediyay qudbad uu kaga hadlay xaaladda bini aadinimo ee ka jirta Soomaaliya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay Qaramada midoobay ayaa u jeedadiisu ahayd sidii Dalka Soomaaliya loogu tabaruci lahaa, looguna aruuri lahaa deeq maaliyadeed si wax looga qabto arimaha bini aadinnimo iyo Barakacayasha ka dhashay fatahaadaha Baarsheere, iyo colaadaha ka jira dalka.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay wadama deeqda bixiye sida Midawga Yurub, China iyo wadamada Arabta, sidoo kale waxa shirka qayb ka ahaa hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa Qaramada Midoobay ee ka shaqeeya hawlaha bini aadinnimada

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Wasiir dowlaha wasaaradda Deegaanka iyo isbedelka Cimiladda Aadam Aw Xirsi, iyo wafuud kale oo ka socotay hay’adaha aan dowliga ahayn ee ka hawl gala dalka.

FB_IMG_1680690877921.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1680690895241.jpg?resize=720%2C96 FB_IMG_1680690881636.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1680690899923-1.jpg?resize=720%2C FB_IMG_1680690903564.jpg?resize=720%2C54 FB_IMG_1680690886786.jpg?resize=720%2C54

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb gashay Shirka Arimaha Bini aadannimada Geneva appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this