Sign in to follow this  
Juje

Geedi targeted...!

Recommended Posts

Juje   

7 ruux oo ku geeriyootay qarax lala beegsaday guriga Ra'isulwasaaraha

 

Mogadishu 03, June.07 ( Sh.M.Network) Inta la og yahay 7 ruux ayaa ku geeriyootay tiro intaasi ka badana dhaawac ayaa ka soo gaaray ka dib Qarax xoogan oo ismiidaamin ah oo gil gilay guriga Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia, ee W/magaalada Muqdisho, Sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah.

 

Qaraxaan oo dhacay abaarihii 5:20 PM ayaa waxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo sida la sheegay ku qaxay albaabka hore ee guriga Ra'isulwasaaraha.

 

Sida shabelle ay u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah, gaarigaan qarxay ayaa waxa uu ahaa Toyoto ama qooqan sida ay Somalida u taqaan, iyadoo gaarigaan uu istaajiyay mid ka mid ah ilaalada guriga Ra'isulwasaaraha dabadeedna uu is qarxiyay gaariga ninkii watay,

 

Ilaalada Ra'isulwasaare Geedi ayaa furey rasaas badan oo ay ku kala eryayeen dadkii ku soo xoomay qaraxaasi markii uu dhacay ka dib.

 

Waxaa wali isi soo taraya qasaaraha ka dhashay qaraxaan ismiidaaminta ah ee lala beegsaday guriga Ra'isulwasaaraha.

 

Ra'isulwasaare Geedi ayaa xilliga qaraxa uu dhacay waxa uu ku jrey guruga, xaaladdiisana waa ay wanaagsan tahay sida uu shabelle u xaqiijiyay sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra'isulwasaaraha oo ka gaabsaday magaciisa.

 

Afhayeenka ciidamada Midowga Africa , Captain Paddy Ankunda oo la soo xiriirey shabelle ayaa sheegay in halkaasi ay gaareen ciidamada Midowga Africa marka qaraxa uu dhacay ka dib isla markaana ay ka soo kaxeeyeen Ra'isulwasaaraha Somalia oo uu sheegay in xaaladiisa ay wanaagsan tahay isla markaana ay geeyeen meel nabad galyo ah oo uusan cayimin.

 

Captain Paddy ankunda waxa uu sheegay in aysan heyn xog ku aadan in qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaareen saraakiil ka tirsan dowladda.

 

Waa markii ugu horreysay oo qarax ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu weeraro guriga Ra'isulwasaaraha dowladda KMG ah ee Somalia.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by NGONGE:

^^ If they get him or his boss the whole outlook will change. Maybe next time, eh!
:D

Indeed..! But I hope you dont assume his boss is Yeey - one thing they have in common is 'same boss'. They both get directives from Melez, and ironically they are arch and sworn enemies...namean?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this