Jacaylbaro Posted July 21, 2008 Madfac ay Soo Rideen Ciidamada ethiopianka ee fariisinka Ku leh xaruntii Hore studyow Muqdisho Kadib Hoobiyeyaal Lagu garaacay xaruntaasi ayaa waxuu Ku dhacay Dugsi quraanka lagu barto oo Ku yaala xaafada Ciise cabdi ee degmada dayniile halkaasoo ay Ku dhinteen 3-Caruur ah islamrkaana ay Ku dhaawacmeen 13-kale oo kamid ahaa caruurtii dugsigaasi ka baranayey Quraaka kariimka ah . Dagaalo iyo madaafiic ay isku dhaafsadeen Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Kasoo Horjeeda agagaarka xaafada Towiiq iyo Deegaanada K xeeran ayaa sababay inay Ciidamada Ethiopia madaafiic u idaan afarta Jiho Taasoo sababtay Inuu mid kamid ah Madaafiicdaasi ku dul Habsado Dugsigan Lagu baranayey quraanka kariimka ah islamrkaana Ku baabi,iyo Caruutii dugsigaasi baranayey oo sida saxaafada ay U xaqiijiyeen dadkii deegaankaasi ay Ku Naf baxeen 3-caruur ah oo kamid ah Ardaydii dugsigaasi iyadoo 13-kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen islamrkaana Qaarkood Dhaawac la ildaran Yihiin . Sidoo kale Ardaydan dhaawaca iyo dhimashaduba kasoo Gaareen madfacan ku dul habsaday ayaa dhaawacoodii lagu dabiibayaa isbitaalka dayniile taasoo ay Howlwadeeno ka Tirsan isbitaalkaasi oo saxaafada Uga warbixinaayey xaalada ardaydaasi ay sheegeen inuu Jiro dhaawacyo halis ah oo soo gaaray qaar kamid ah ardaydaasi . Maaha markii Ugu Horaysay Ee ay ciidamada Ethiopia Ee ku sugan Caasimada Muqdisho ay madaafiic la beegsadaan dadka rayidka ah ee caruurta Iyo Haweenka taasoo ay soo noq noqdeen Mudooyin badan oo xasuuq ba,ani kasoo gaaray Caruur Iyo Haween ku sugan Caasimada Muqdisho oo aan waxba Galabsan . Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 22, 2008 and they are talking about qof baa la xidhay ,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites