Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Even the Dugsi Quraan

Recommended Posts

Madfac ay Soo Rideen Ciidamada ethiopianka ee fariisinka Ku leh xaruntii Hore studyow Muqdisho Kadib Hoobiyeyaal Lagu garaacay xaruntaasi ayaa waxuu Ku dhacay Dugsi quraanka lagu barto oo Ku yaala xaafada Ciise cabdi ee degmada dayniile halkaasoo ay Ku dhinteen 3-Caruur ah islamrkaana ay Ku dhaawacmeen 13-kale oo kamid ahaa caruurtii dugsigaasi ka baranayey Quraaka kariimka ah .

 

Dagaalo iyo madaafiic ay isku dhaafsadeen Ciidamada Ethiopia iyo xoogaga Kasoo Horjeeda agagaarka xaafada Towiiq iyo Deegaanada K xeeran ayaa sababay inay Ciidamada Ethiopia madaafiic u idaan afarta Jiho Taasoo sababtay Inuu mid kamid ah Madaafiicdaasi ku dul Habsado Dugsigan Lagu baranayey quraanka kariimka ah islamrkaana Ku baabi,iyo Caruutii dugsigaasi baranayey oo sida saxaafada ay U xaqiijiyeen dadkii deegaankaasi ay Ku Naf baxeen 3-caruur ah oo kamid ah Ardaydii dugsigaasi iyadoo 13-kalena ay dhaawacyo kasoo gaareen islamrkaana Qaarkood Dhaawac la ildaran Yihiin .

 

Sidoo kale Ardaydan dhaawaca iyo dhimashaduba kasoo Gaareen madfacan ku dul habsaday ayaa dhaawacoodii lagu dabiibayaa isbitaalka dayniile taasoo ay Howlwadeeno ka Tirsan isbitaalkaasi oo saxaafada Uga warbixinaayey xaalada ardaydaasi ay sheegeen inuu Jiro dhaawacyo halis ah oo soo gaaray qaar kamid ah ardaydaasi .

 

Maaha markii Ugu Horaysay Ee ay ciidamada Ethiopia Ee ku sugan Caasimada Muqdisho ay madaafiic la beegsadaan dadka rayidka ah ee caruurta Iyo Haweenka taasoo ay soo noq noqdeen Mudooyin badan oo xasuuq ba,ani kasoo gaaray Caruur Iyo Haween ku sugan Caasimada Muqdisho oo aan waxba Galabsan .

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this