Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Türkiye & Xaaskiisa oo la Guddoosiiyey Laba Baabuur

Recommended Posts

Deeq A.   
Madaxweynaha Türkiye Erdoğan iyo xaaskiisa Emine ayaa guddoomay labada baabuur ee ugu horreysay kuwaa oo ay sameysay dowladda Türkiye. Erdoğan ayaa tibaaxay in maanta laga billaabo wadooyinka Türkiye iyo dunidaba lagu arki doono baabuurta uu sameeyay dalkiisa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in labadaan baabuur mid ay leedahay xaaskiisa halka midka kalena ay adeegsan doonto madaxtooyada Türkiye. Erdoğan ayaa dalbaday gawaaridan sanadkii 2019 maanta ayuuna guddoomay, wuxuu yiri waa riyo dalkiisa ku qaadatay inay rumowdo 70 sano.
Shirkadda sameysay gawaaridan waxaa lagu magacaabaa TOGG, waa gawaari caqli u saaxiib ah, waxay ku shaqeynayaan tamarta korontada. Sanadkii 2018 ayaa shirkadda TOGG laga furay magaalada Kocaeli ee Türkiye. Madaxweynayaasha Azerbaijan iyo Uzbekistan ayaa dhawaan dudoomi doona gawaaridan.
Ma isleedahay Soomaaliya 100-ka sano ee soo socoto way soo saari doontaa baabuur?
339846585_752104359785984_26525794617952
339851871_1199936074219034_1069334913797
339799527_773082027413838_30633777988825
339480144_181341598029431_62241625662857
339637927_1418762472275593_7703431525903

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this