Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Madoobe oo La Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socday DDS iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga Barwaaqo Mudane Aadan Faarax, Wasiiru Dowladaha Arrimaha Dibada dalka Itoobiya iyo danjiraha dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Amb. Mukhtaar Waare.
Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Soomaaliya Mudane Abshir Jaamac Huruuse iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka Mudane Cabdiraxmaan Maxumuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa looga hadlay arrimaha amniga iyo horumarka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Madaxweyne ku-xigeenka xisbiga talada dalka Itoobiya haaya Mudane Aadan Faarax ayaa Guddoomiyaha waxaa uu soo gaarsiiyay fariin ay ka sideen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka dalka Itoobiya Mudane Abiy Ahmed Ali ahna Guddoomiyaha Xisbiga Barwaaqo, iyagoo ka warbixiyay xoojinta xiriirka iskaashiga ee ka dhaxeeya shacabka iyo labada dowladood.
Guddoomiyaha ayaa waftiga uga mahadceliyay booqashada ay ku yimaadeen dalka, isagoo warbixin ka siiyay xalada guud ee dalka, waxyaabihi u qabsoomay Golaha Shacabka iyo shuruucdi uu ansixiyay Golaha. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay Dowladda Itoobiya iskaashiga kala dhaxeeya Soomaliya ee dhanka amniga iyo la-dagaallanka kooxda khawaarijta.
339816381_223689703542971_81205905566615
339992686_220590293977274_17725662830154
339474148_891048428658908_50587841694774
339448954_731741078737550_68597194567865
339821013_1562556224250955_4879925487915
All reactions:

2828

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this