Sign in to follow this  
Deeq A.

Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   
339747000_1241805536762344_6739325712155

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Ergayga cusub ee arrimaha wada-hadalada Somaliland u qaabilsan dowladda federaalka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Kulankan ayaa waxaa looga wada-hadlay arrimo la xiriira wada-hadalada Somaliland iyo waafajijinta hal-ku-dhiga dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Soomaali Heshiis ah.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa Ergayga kula dardaarmay in uu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee “Soomaali Heshiis ah,” kaas oo uu sheegay inay udub dhexaad u tahay ka miro dhalinta midnimadda iyo wada-jirka ummada Soomaaliyeed.

Ergayga cusub ee arrimaha Somaliland ayaa tan iyo markii la magacaabay 1-dii bishaan waxa uu kulamo kala duwan ka waday magaalada Muqdisho, isaga oo la kulmay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Mudane Xamza iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa kulankii ay yeesheen uga wada-hadlay sida loo sii ambaqaadi lahaa wada-hadalada dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa sidoo kale ku boorriyay Ergeyga inuu ka shaqeeyo xaqiijinta qorshaha xukuumadda ee salka ku haya xal u helidda iyo adkeynta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxa uu kula dardaarmay Ergayga inuu xoogga saaro ka miro dhalinta hadafka dowladda federaalka ee ku qotoma in tabasho kasta oo jirta lagu wajaho wada-hadal iyo isu garaabid.

Cabdikariin Guuleed ayaa xilligii uu ahaa wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya waxaa si degan oo la rajeynayey in laga mira-dhaliyo ay ku socdeen wada-hadaladii Soomaaliya iyo Somaliland oo hakaday markii ay xukunka wareejiyeen Xasan Sheekh iyo xulufadiisii xiligaas.

Dowlada federaalka ayaa waxaa xilligaan ka go’an xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, “si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wada-hadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka jira oo ay qabaan walaalaha Somaliland,” sida uu sheegay madaxweynaha Soomaaliya.

The post Ergeyga cusub ee arrimaha Somaliland oo kulamo ka wada magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this