Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay DF iyo dalalka safka hore

Recommended Posts

Deeq A.   
339667011_170771995834482_51307677217783

Muqdisho (Caasimada Online) – Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kaasi oo hal-ku-dhigiisu ahaa “Isku-duwidda Howl-gallada Ciribtirka Khawaarijta.”

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaya inta uu socdo isku dubaridka howl-gallada dalka looga ciribtirayo kooxda Al-Shabaab, xilli uu soo gaba-gaboobay wejiga koowaad ee dagaalka.

Ujeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu bilaabo wejiga labaad ee howl-galka dib u xoreynta dalka, kaasi oo ay ka qeyb-gali doonaan ciidamada dalalka dariska ee Ethiopia, Kenya iyo Jabuuti.

Shirkaan oo sadex maalin socon doona ayaa waxaa furey wasiirka gaashaandhigga JFS mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyada oo ay ka qeyb-galeen wasiirada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiiru-dowlaha amniga gudaha iyo Taliyaasha xoogga iyo Booliiska.

Sidoo kale waxaa ka qeyb-galaya wasiirada amniga dowladda goboleedyada oo lagu casuumay, Ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.

Hoggaamiyayaasha Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa 1-dii Febraayo ee sanadkaan ayaa ka qeyb-galay kulan madaxeed uu Muqdisho ku marti-geliyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Bayaan ay xilligaasi si wada-jir ah u soo saareen ayaa waxay sheegeen inay isku raaceen inay si wadajir ah u qorsheeyaan una abaabulaan olole howlgal “oo lagu raadinayo laguna burburinayo” Al-Shabaab, kaasi oo ah dhowr jiho.

Itoobiya ayaa noqotay dalkii ugu horeeyay ee si rasmi ah u fuliya heshiiskaasi, iyada oo ciidamo usoo dirtay Soomaaliya. Jabuuti iyo Kenya ayaa sidoo kale ciidamo dheeraad ah kusoo dari doona ciidamada horey dalka ugu sugnaa ee qeybta ka ah howl-galka ATMIS.

Ciidamadan ayaa qeyb ka noqonaya howl-galka dalalka safka hore ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, kaasi oo lagu xoojinayo dagaalka ka socda dalka, oo deegaano horleh looga xoreeyay kooxda.

Madaxtooyada oo kal hore shaacisay in ciidamadan soo gaari doonaan dalka ayaa waxay sheegtay in kaalintooda ay tahay “inay si wadajir ah u qorsheeyaan uguna howl-galaam taliska ciidamada amniga Soomaaliya.

Si kastaba, ciidamada ka madax-banaan ATMIS ee dalalka safka hore ayaa waxay la dagaalami doonaan kooxda Al-Shabaab, ayaga oo garab taagan ciidamada dowladda Soomaaliya, oo wejigii koowaad ee dagaalkan kaashanayay dadka deegaanka.

339730631_6265629343487249_5785748326707
339667011_170771995834482_51307677217783
339588284_987140789363005_75370089192375
339657877_952000932824232_22829096970503
339780051_883292216066709_22130634466734
339899367_595411088967598_62334780396989
Waare-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1
Odowaa-scaled.jpeg?resize=696%2C464&ssl=

The post Sawirro: Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay DF iyo dalalka safka hore appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this