Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay maandooriyaha Xashiishka iyo dadkii ka ganacsanayay

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680584121499.jpg?resize=720%2C96

Booliiska Puntland ayaa hawlgal ay ka fuliyeen magaalada Garoowe waxay ku soo qabteen maandooriyaha Xashiishka iyo dadkii ka ganacsanayay.

Ciidanka saldhiga bari ee degmada Garoowe ayaa hawlgalkaas oo ay ka sameeyeen xaafadda Waaberi ku soo qabtay11 kiilo oo xashiish ah iyo saddex qof oo ka ganacsanayay.

“Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan Saldhiga Bari ee Degmada Garoowe ayaa hawl-gal ay ka sameeyn Xaafadda Waaberi ku soo qabtay 11 kilo Xashiish ah iyo 3 qof ka ganacsanayay maandooriyaha” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska.

Ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay xoojiyeen hawl-galada looga hor-tagayo falalka amni xumo ee ka dhaca caasimadda Garoowe oo inta badan ay sababaan dadka isticmaala maandooriyaha ama ka ganacsadda.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Garoowe oo gacanta ku dhigay maandooriyaha Xashiishka iyo dadkii ka ganacsanayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this