Sign in to follow this  
Deeq A.

Finland oo maanta ku biiraysa Isbaheysiga militari ee NATO

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee NATO Jens Stoltenberg ayaa sheegay in Finland ay ku biirayso isbaheysiga militari maanta oo talaado ah, wax ka yar hal sano, ka dib markii uu dalkani gudbiyay codsigiisa ku biiritaanka NATO, tallaabadan oo jawaab u ahayd duulaankii uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine.

Stoltenberg ayaa u sheegay warfidiyeenka, ka hor kulanka wasiirada arimaha dibada ee NATO, in Finland ay ku soo darayso isbaheysiga ciidan milateri oo si wanaagsan u tababaran, una qalabaysan, ka dib markii dalka Turkigu uu ansixiyey ku biiritaankooda, maadaama loo baahan yahay in dhammaan dalalka xubnaha ka ah NATO inay ansixiyaan dal kasta oo ku soo biiraya.

Xoghayaha guud ee NATO ayaa sheegay inuu si wanaagsan ugu qanacsan yahay in Sweden ay sidoo kale xubin ka noqon doonto isbahaysiga NATO, taasina ay mudnaanta koowaad ugu jirto inay hirgasho.

Turkiga ayaa si weyn uga soo horjeeda xubinimada Sweden, iyada oo Turkigu ku eedaynayo inay Sweden gabaad siiso kooxo uu u arko argagixiso. Xoghayaha NATO ayaa sheegay in Sweden ay fulisay tallaabooyinkii lagu heshiiyey ee walaaca ku hayey Turkiga.

PUNTLAND POST

The post Finland oo maanta ku biiraysa Isbaheysiga militari ee NATO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this