Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Finland oo si rasmi ah ugu biirtay Gaashaanbuurta NATO

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Finland ayaa maanta si rasmiya ugu biirtay gaashaanbuurta NATO ka dib markii laga aqbalay dalabkii ay soo gudbisay sannadkii hore.

Dowladdan ayaa dareentay cabsi xooggan oo kaga timi dalka jaarka yihiin ee Ruushka oo xilligaas duullaan ku qaaday waddanka Ukraine.

Finland ayaa maanta noqonaysa dalkii 31aad ee ka mid noqda Gaashaanbuurta NATO.

Dalka Turkiga oo muddo badan diiddanaa in Finland iyo Sweden lagu soo daro ururkan ayaa ugu dambayn oodda ka qaaday xubinnimada Helsinki oo iyadu ka soo baxday shuruudihii uu Turkiga doonayey.

Balse Ankara ayaa ilaa hadda ka soo hor jeedda in Sweden loo ogolaado ka mid noqoshada NATO ka dib markii ay Stockholm lagu eedeeyey in ay weli taageero siiso kooxaha Kurdiyiinta u badan ee Turkiga dagaalka kula jira.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Finland oo si rasmi ah ugu biirtay Gaashaanbuurta NATO appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this