Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump oo isu diyaarinaya Dagaal adag oo dhanka sharciga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Trump oo u duulaya New York si maxkamad loo soo taago

: Donald Trump

Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ayaa “isku diyaarinaya dagaal dhinaca sharciga ah” xilli la filayo in maanta oo Talaado ah uu dhageysiga kiiskiisa ka bilowdo maxkamadda, sida uu sheegay qareenkiisa.

Mr Trump oo hadda ku sugan gurigiisa ku yaalla Mar-a-Lago ayaa la filayaa in uu maanta oo Isniin ah u duulo magaalada New York, halkaas oo uu ku wajihi doono dacwado la xidhiidha lacago laaluush ah oo la siiyay haweeney ka shaqeysa filimada anshax xumada.

Ka dib waxa uu qorsheynayaa in uu dib ugu laabto gobolka Florida marka uu dhammaado dhageysiga maxkamadda. Florida marka uu ku noqdo waxa uu khudbad u jeedin doonaa taageerayaashiisa.

Donald Trump waxa uu weli beeninayaa in uu wax dambi ah galay.Qareenka u doodaya oo lagu magacaabo Joe Tacopina ayaa ballan qaaday dacwad kasta oo ka dhan ah madaxweynihii hore loola dagaallami doono si adag.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this