Sign in to follow this  
Deeq A.

Hanti-dhowraha Qaranka oo amar ka soo saaray gaadiid ka maqan hay’adaha DF

Recommended Posts

Deeq A.   
Axmed-Guutaale-e1680547763804.jpeg?fit=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa faray qaar ka mid ah masuuliyiintii hore ee hay’adaha dowladda oo la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’adahaasi inay dib u soo celiyaan gaadiidkaas muddo labo todobaad gudahood ah.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Hantidhowrka ayaa lagu sheegay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”

War-gelinta loo diray masuuliyiinta la maqan gaadiidka ayaa ka kooban seddax qodob oo kala ah:

1 – Sida ugu dhaqsiyaha badan muddo laba todobaad gudahood ah dib ugu soo celiya gaadiidkaas hey’adaha iska leh ee dowladda federaalka.

2 – Inay ka sameeyaan wixii cilad ah ama garaafo ah oo gaadiidkaas gaartay intii ay heysteen.

3 – Inay saxiixaan ducomentiyada wareejinta hantida markii ay dib ugu celiyaan hey’adaha dowladda ee gaadiidkaas iska leh.

Sidoo kale war-gelin kale oo ka kooban shan qodob ayuu Hantidhowrku siiyey hey’adaha dowladda, waxaana qodobka koowaad lagu faray in afar cisho gudahood ay ku soo gudbiyaan liiska gaadiidka ku maqan masuuliyiintii hore.

Sidoo kale hey’adaha dowladda ayaa qoraalkaan lagu faray in wax gaadiid ah aysan soo iibsan ilaa inta xafiiska Hantidhowrka uu arrinta gaadiidka maqan ka xalinayo.

Hoos ka eeg warqadda Hantidhowrka

339638525_1263537714593544_1103478115463

The post Hanti-dhowraha Qaranka oo amar ka soo saaray gaadiid ka maqan hay’adaha DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this