Sign in to follow this  
Deeq A.

Tacsi ku socota qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo),

Recommended Posts

Deeq A.   

DHAMBAAL TACSI AH: 03/04/2023.

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL Aadam Xaaji Cali Axmed, waxa uu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo Shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay, AHN Wasiirkii hore ee Warfaafinta Marxuum Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), oo maanta galabtii ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyay aqoonyahan kayd badan uga tagay jiilalka danbe, isla markaana kaalin mug leh kasoo qaatay horumarinta tacliinta iyo dib-u-dhiska dalka JSL.

Guddoomiyuhu waxa uu marxuumka Ilaahay uga baryayaa in uu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, bahda qoraalka, aqoonyahanka iyo shacbiga Somalilana ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiq ah ka siiyo.

AAMIIN AAMIIN AAMIIN

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this