Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirka amniga qaranka oo arrimo muhiim ah lagu ansixiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-1.jpeg?fit=2048%2C1366&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey shirka Amniga oo looga hadlay dar-dargelinta sugida Amniga guud ee dalka iyo ciribtirka Khawaarijta.

Shirkan Amniga ayaa sidoo kale waxaa looga hadlay shuruucda hor-tebinta u leh amniga iyo qaadista cuna-qabteynta hubka ee Soomaaliya saaran, taasi oo muddooyinkii dambe laga sameeyay horumar wanaagsan.

Shirka ayaa waxaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira howl-gallada socda ee lagu xasillinayo amniga guud ee dalka iyo wajiga labaad ee howl-gallada dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab.

Intii uu socday shirka ayaa sidoo kale waxaa lagu lafa-guray qorshaha qaran ee ka hortaga fikirka xagjirka ah oo ahmiyad gaar ah u leh dalka, si loo helo bulsho amni iyo nabad ku wada nool.

Shirka ayaa waxaa lagu ansixiyay magaca iyo waajibaadka Xarunta Qaran ee la-dagaallanka fikirka xagjirka ah ee WAANO, taasi oo hoos-tageysa xafiiska ra’iisul wasaaraha, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Xamza.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay ahmiyadda koowaad siineyso xasillinta iyo xoreynta dalka, si bulshada Soomaaliyeed looga dulqaado culeyska Khawaarijtu ay ku hayaan, dalkuna u gaaro horumar iyo caddaalad, diyaarinta sharciyada hor qabadka ku leh amniga qaranka.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dagaal saddex jiho leh ku qaaday kooxda Al-Shabaab, kaasi oo laga gaaray guulo wax ku ool ah, kooxdana looga xoreeyay deegaano ay gacanta ku hayeen in ka badan 10 sano.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa dhawaan sheegtay in si guud loo cuuryaamiyay hanaankii maaliyadeed ee kooxda Al-Shabaab, oo uu hoos u dhacay dhaqaalihii ay heli jirtay kooxda, islamarkaana kala bar la dhimay dhaqaalihii soo geli jiray.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirta marxalad dagaal oo ka dhan ah kooxaha argagixisada oo ay ugu horeyso Al-Shabaab, kaasi oo ay ka qayb-qaadanayaan dowlado waaweyn oo ay kamid yihiin Mareykanka iyo Turkiga.
338988761_951611739588266_74655062184578 339153649_1409969753100165_8827189671962 339573755_198521386263396_73170676145305 339003694_241581848322363_50137372008008 339066974_1015343019639031_7433079257553 338967318_6114436738633302_1482285172771 338881531_244401778061801_41111116973942 339419539_173348195580081_82557179515253 339265600_950564375962222_88390979844269 Xamza-1.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 339301850_592055692958620_16156285842174 Saalax.jpeg?resize=696%2C496&ssl=1 339148601_925016235315091_74279071029037 Madaale.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1

The post Sawirro: Shirka amniga qaranka oo arrimo muhiim ah lagu ansixiyay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this