Sign in to follow this  
Deeq A.

In ka badan 10 wariye oo Soomaali ah oo u tahriib ku galay dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

In ka badan 10 wariye oo Soomaali ah ayaa ka gudbay xadka u dhaxeeya dalalka Mexico iyo Maraykanka, kuwaasi oo galay dalka Maraykanka. Suxufiyiintan ayaa ka tagey deegaannada Soomaalida gaar ahaan Dalka Soomaaliya, Deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia iyo Somaliland.

Suxufiyiintan ayaa sheegay in ay ka carareen shaqo la’aan iyo xarumihii warbaahinta ee ay ka shaqeyn jireen oo qaarkood la xidhay, halka kuwa kalana ay sheeganayaan in ay lasoo deristay cabsi la xidhiidha shaqadooda.

3-dii bilood ee ugu dambeeyey Soomaali tiro badan ayaa ka gudubtay xadka u dhaxeeya dalalka Mexico iyo USA, iyagoo socdaal dheer usii mara sidii ay u gaadhi lahaayeen dalka Maraykanka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this