Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxay Ka Wadahadleen Ergayga Arrimaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare?

Recommended Posts

Deeq A.   
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya  u qaabilsan xal u helida arrimaha SOOMAALILAND Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa maanta hoygiisa ku booqday Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Abdi Xaashi Abdullahi.
Kulanka oo qeyb ka ah wadatashiyo taxane ah oo uu Ergeyga la yeelan doona masuuliinta dowladda iyo qeybaha bulshada Si ay ula wadaagaan fikirkooda ku aadan ka gungaaridda geedi socodka wadahalada Somaliland ee loo igmaday, loona dardargalin lahaa wadahadaladaas.
Mudane Cabdi Xaashi oo ah ruugcadaa qiimo weyn ugu fadhiya Dalka, waxuu la wadaagay Ergeyga sooyaalkii taariikheed ee labada gobal, midnimadii la yagleelay sanadkii 60kii, halkii iyo talooyin ku aadan waxa maanta la gudboon ee laga doonayo Xafiiska Ergeyga Gaarka ah.
Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan xal u helida Arrimaha Soomaaliland Mudane Abdikarim Hussein Guled ayaa uga mahad celiyay gudoomiyaha xogtaas muhiimka ah iyo talooyinka dhaxalgalkaa ee uu la wadaagay ergayga dowaan loo magacaabay
338900788_667010762098744_25752704571470
338923425_765199741587497_31919459820437
339559045_610210191150764_19356421476268
339439040_3513114438973170_5029213142343
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this