Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay Siyaasiyiin Reer Jubaland ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Senator hore Kornayl Axmed Xaashi Maxamuud, Xildhibaan hore Rashiid Aadan Cabdullahi Gabiyoow Iyo Janaraal Cabdi Mahdi Cabdisalaam.

Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa masuuliyiintan ka dhagaystay figradahooda iyo aragtiyada wax ku oolka ah ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaariijta iyo xaalada guud ee dalka.

Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan la wadaagay qorshayaasha Dowlada Jubaland ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo howlgalada natiijooyinka Wanaagsan laga gaaray ee ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubaland iyo Ciidamada xooga dalka.

Inta uu kulanku socday waxaa kale oo Masuuliyiintu ay isla soo qaadeen sidii loo adkayn lahaa Midnimada Bulshada iyadoo wax walba oo kala aragti duwanaansho ah loo marayo xalinteeda wada hadal iyo is qancin taas oo ah wadada kaliyah ee lagaga *****n karo himilooyinka shacabka Jubaland.

The post Madaxweyne Axmed Madoobe oo qaabilay Siyaasiyiin Reer Jubaland ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this