Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacduudiga oo Bashar al-Assad ku casumaya shir madaxeedka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi Carabiya ayaa qorsheyneysa inay ku casuunto madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee Riyadh martigelineyso bisha May.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga Amiir Faysal Bin Farhan ayaa u safri doona magaalada Dimishiq toddobaadyada soo socda si uu Assad ugu wareejiyo martiqaad rasmi ah oo uu kaga qayb galayo shir madaxeedka la qorsheeyay 19-ka May.

Ka qayb galka Assad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ayaa noqonaysa horumarkii ugu muhiimsanaa ee uu ku sameeyay dib ugu soo noqoshada dalalka Carabta tan iyo 2011, markii Suuriya laga joojiyay ururka.

PUNTLAND POST

The post Sacduudiga oo Bashar al-Assad ku casumaya shir madaxeedka Carabta appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this