Deeq A. Posted April 3, 2023 Muqdisho (Caasimada Online) – Ergada gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kordhayay bilihii u dambeeyay, tan iyo dib u doorashadiisii 15-ka May 2022-ka. Madaxweynaha ayaa wax ka yar sanad magacaabay 4 Ergo, kuwaasi oo markii ugu horeysay ay ka soo dhex muuqdeen madaxweynayaal soo maray dowlad-goboleedyada qaar iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka qaarkood. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sagaal maalmood kadib doorashadiisi madaxweynaha waxa uu 24 May, 2022 u magacaabay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha gurmadka abaaraha Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa 14-kii August 2022-ka wuxuu umagacaabay Ergayga u qaabilsan Dallada Bulshada Bariga Afrika, isaga oo madaxweynaha uu dardar-gelinayo qorshaha kamid noqoshada dalladaasi. Xasan Sheekh ayaa maalin kahor waxa uu madaxweynihii hore ee HirShabelle Maxamed Cabdi Waare u magacaabay Ergayga gaarkanah ah ee u qaabilsan xasillinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka ee goobaha dagaallada. Isla shalay waxa uu madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Ergeyga arrimaha Somaliland u magacaabay madaxweynihii hore ee dowlad-goboleedka Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed. Guuleed ayaa noqonaya masuulkii labaad ee isla shalay uu xil u magacaabo Madaxweyne Xasan Sheekh. Waana laba nin oo miisaan siyaasadeed oo culus ku leh Soomaaliya, aadna xog ogaal ugu ah arrimaha loo xil-saaray iyo guud ahaan xaaladda dalka. Si kastaba, Magacaabista shalay ee Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Maxamed Cabdi Waare ayaa kusoo beegmaysa xilli ay soo dhowdahay sanad-guuradii koowaad ee markii la doortay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.The post Fallanqeyn: Ergada gaarka ah ee madaxweyne Xasan appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites