Sign in to follow this  
Deeq A.

SSC-Khaatumo oo ka hadlay Ergeyga cusub ee loo magacaabay Arrimaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

SSC-Khaatumo ayaa markii u horraysay di rasmi ah u caddeeyay mowqifkooda ku aaddan ergeyga cusub ee madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay arrimaha Somaliland.

“SSC-Khaatumo waxa ay soo dhoweynaysaa Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed oo uu Ergeyga wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland u magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay SSC-Khaatumo.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu caddeeyay in SSC-Khaatumo aysan kamid ahayn kana mid noqon doonin Somaliland.

“Hase ahaatee, waxaa lagama maarmaan ah in aanu caddayno in SSC-Khaatumo aysan ka mid ahayn, kana mid noqon doonin Somaliland” ayaa mar kale lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

FB_IMG_1680494571576.jpg?resize=720%2C10

PUNTLAND POST

The post SSC-Khaatumo oo ka hadlay Ergeyga cusub ee loo magacaabay Arrimaha Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this