Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Aadan Maddoobe oo Kulan La Qaatay Danjiraha Imaaraadka

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta Mudane Ahmed Jumah Alromaith.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Danjire Alromaith ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, sidii loo sameyn lahaa guddi Saaxiibtinimo ah oo ka kooban labada Baarlamaan iyo wadashaqeyn ay u yeelan lahaayeen labada Baarlamaan,
Guddoomiyaha ayaa bogaadiyay doorka Isutagga Imaaraadka Carabta ay ka qaateen la dagaallanka kooxda Al-shabaab  iyo horumarinta ciidamada Soomaaliya, iyadoo dhowaan dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka ay wadagaleen heshiis dhanka ciidanka ah.
Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this