Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan dastuurka oo heshiis laga gaaray + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
339072956_219262344121202_48927011652366

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka kumeel-gaarka ah ee dalka, isaga oo shaaciyey in heshiis laga gaaray qodobada dastuurka qaarkood.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa tilmaamay muhiimadda uu dalka u leeyahay dhameystirka dastuurka, oo soo jiitamayay muddo dheer.

Dastuurka KMG ah ee dalka oo muddo dheer qabyo ah, ayaa Xukuumadda Dan-Qaran mudnaan gaar ah u leh dhameystirkiisu, si uu dalku u yeesho dastuur sax oo heshiis lagu wada yahay.

Ra’iisul Wasaaaha ayaa sheegay in fadhiyada ugu horreeya ee Baarlamaanka qodobka ugu muhiimsan ee horyaalla uu yahay qabyo-tirka dastuurka.

Sidoo kale waxa uu is dul-taagay qodobo muhiim ah oo ku jira dastuurka KMG, kuwaasi oo uu sheegay inay u baahan yihiin wada-xaajood siyaasadeed, isaga oo xubnaha guddiga kula dardaarmay in ay dardar’geliyaan howlaha horyaalla.

Mudane Xamza ayaa sheegay in shan kulan oo ay yeesheen Golaha Wadatashiga Qaran looga heshiiyey qaar kamid ah qodobadii ugu muhiimsan ee dastuurku uu tilmaamayey, sida asteynta awooddaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo dowladaha hoose, federaaleynta garsoorka, qaab-dhismeedka amniga qaranka iyo federaaleynta maaliyadda.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa ugu dambeyntiina waxa uu xubnaha guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista dastuurka ku ammaanay sida ay durba uga howl-galeen masuuliyaddii loo igmaday, islamarkaana ay soo dhameystireen habraacyadii muhiimka u ahaa shaqada guddiga.
Xamza.jpeg?resize=696%2C464&ssl=1 339026030_164288223200840_11797986409348 338922040_898104031411035_25766011730632 338811553_888866989037966_10709744041635 338995686_603422638331159_20340889219843 339072956_219262344121202_48927011652366

The post Qaar ka mid ah qodobada ugu muhiimsan dastuurka oo heshiis laga gaaray + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this