Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680439563805.jpg?resize=720%2C48

Xukuumadda Puntland ayaa mar kale ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn colaadda ka taagan magaalada Laascaanood.

Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo maanta warbaahinta kula hadlay Garoowe ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Ciidamada Puntland ay qayb ka yihiin dagaalkaas.

“Waxaan ku celinaynaa in dowladda Puntland aysan wax lug ah ku lahayn dagaalkaas ay shacabku isaga difaacayaan xasuuqa maamulka Somaliland ka wadaan Laascaanood”ayuu yiri Maxamuud Caydiid.

Wasiirka Warfaafinta Puntland ayas sidoo kale jabhad argagixiso ah ku tilmaamay Somaliland waxaana uu ka hortimid ergay gaar ah oo xalay madaxweynaha Soomaaliya u magacaabay arrimaha Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ku celisay in aysan gebi ahaanba qayb ka ahayn dagaalka Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this