Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa goorma Maalinta la qorsheeyay Dhageysiga maxkamadda Trump, Ma ka soo muuqaan doonaa maxkamad isagoo katiinadeysan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhageysiga maxkamada, Donald Trump, ayaa la qorsheeyay galabnimada salaasada, sida ay sheegtay laanta Mareykanka ee BBC News CBS.

Madaxweynihii hore, ayaa la filayaa inuu kaga soo duulo Florida diyaaradiisa gaarka ah, uuna ku wareejiyo wakiilo heer federaal ah oo halkaas joogga si ay u ilaaliyaan.

Xeerbeegti heersare ah, ayaa Mr Trump ku soo oogay dacwad la xidhiidha inuu bixiyay $130,000 (£105,000), oo uu siiyay xiddigta jisha filimada galmada ee Stormy Daniels.

Eedeymaha ayaan weli si rasmi ah loo shaacin, waxaana qareenka u doodaya Trump uu sheegay Jimcihii, in isagana aanu weli akhrin eedda.

Sarkaal ka tirsan waaxda fulinta sharciga, ayaa u sheegay CBS in Trump la filayo inuu diyaaradiisa gaarka ah kaga duulo magaalada New York Isniinta, ka hor inta aanu isku dhiibin saraakiisha salaasada.

Hannaankan maxkamadda, ayaa waxay u badan tahay inay ku lug yeeshaan daraasiin ama boqolaal ciidanka qarsoodiga ah, sidaasi waxaa sheegay sarkaal katirsan ciidanka, isagoo ka gaab sadey magaciisa.

Trump ayaanan la ka tiinadeyn doonin. Sarkaalka ayaa wuxuu intaa ku daray, in katiinadaha loo isticmaalo kaliya tuhmanayaasha loo maleynayo inay khatar ku yihiin duulimaadyada ama ammaanka guud.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this