Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Koore & Laba Wasiir oo kale oo Gobolka Sool Ka soo Jeeda Oo Ka Muquurtay Kulamo Baarlamaanku Ugu Yeedhay.

Recommended Posts

Deeq A.   
Wasiirrada Sool Kasoo Jeeda Oo Ka Muquurtay Kulamadii Baarlamaanku Ugu Yeedhay.
Wasiirrada deegaan ahaan kasoo jeeda gobolka Sool ee xukumada ka tirsan ee looga yeedho Beerlamaanka, si wax looga waydiiyo hawlaha shaqo ee qaranka ay u hayaan ayaa mudooyinkii danbe ka gaws adaygay in ay iska soo xaadiriyaan.
Labada guddi joogto ee golayaasha guurtida iyo Wakiilada oo labadii maalmood ee u danbeeyay u yeedhay laba wasiir oo kasoo jeeda Sool ayaanay kasoo qayb galin Masuuliyiintaas, sida ay xiqiijiyeen mudanayaasha qaarkood.
Masuuliyiinta kulamada Baarlamaanka ka maquurtay ee ay u danbeeyay ayaa kala ah Wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha Cabdirashiid Qambi iyo Wasiirka gaadiidka Cabdirisaaq Ibraahim, halka ila wareed kale uu noo xaqiijiyay in Wasiir Saleebaan Cali Koore uu dhawr jeer oo hore ka maquurtay yeedhmada Baarlamaanka.
Ma jir war rasmiya oo kasoo baxay golayaasha Baarlamaanka iyo Wasiiradan reer Sool, balse warar xogagaal ah ayaa sheegaya in sababta ay uga maquurteen yeedhmadan ay tahay, xaalada ka taagan Laascaanood oo saamayn ku yeelatay.
koore.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this