Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo Lasoo Sheegayo Iney Gubeen Guryo Dad Shacab ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka aan ka helayno gobolka Mudug ee Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya Dagaalamayaasha Al-shabaab ay gubeen guryo ay lahaayeen dad shacab ah  sida ay sheegayaan wararka.

Dhacdadaan ayaa waxaa ay ay dhacday deegaan lagu magacaabo Huldooyaale ee Koonfurta Gobolka Mudug, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay in ay gubaan guryaha dadka shacabka ah.

Maamulka Magaalada Baxdo ee Gobolka Galgaduud iyo Saraakiisha Booliska ayaa gaaray deegaanka si ay usoo arkaan dhibkadhibaatada loo geystay dadka shacabka iyaga oo kormeer sameeyay.

Qoraal kooban oo lagu daabacay warbaahinta dowladda ayaa qeyb kamid ah waxaa lagu yiri” iyadoo ujeedka kooxdu yahay inay iska horkeento bulshada deegaankaas”.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dhowr jeer sidaan oo kale u gubaya guryo iyo ceelal ay lahaayeen dad shacab ah gobollada Hiiraan Galgaduud iyo Mudug,

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this