Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: AL-SHABAAB oo billowday xeelad ay uga hortageyso dagaalka DF

Recommended Posts

Deeq A.   
339076210_1777999202601194_8383944072028

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Mudug ayaa sheegaya in maanta dab la qabadsiiyay deegaanka Huldooyaale oo dhaca koonfurta gobolkaas.

Deegaankan oo hoostaga degmada Baxda ayaa waxaa gubay maleeshiyaad la sheegay inay soo abuuleen Al-Shabaab, kuwaas oo dab qabadsiiyay guryo ay daganaayeen shacab.

Ujeedka arrintan ka dambeeya ayaa waxaa lagu sheegay inay koxoda gol-leeyahay inay ku fashiliyo wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah ee haatan ka socda gobollada dalka.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka magaalada Baxda oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa shaaca ka qaaday in qorshaha lagu gubay Huldooyaale ay ka dambeeyaan Shabaab.

“Waxay Khawaarijta ugu talagashay inay dagaallada Soomaaliya ka socda oo iyaga lagu dabar goynayo inay ku xagal daaciyaan,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka Baxdo.

Sidoo kale mid kamid ah saraakiisha ciidamada huwanta ee ku sugan halkaasi, ayaa isuguna sheegay in maleeshiyaadka fuliyay dhacdadaan ay fuliyeen amar ay soo siiyeen Al-Shabaab, isla-markaana qorshahooda uu yahay fashilinta dagaalka gobolka Mudug.

“Dadka meeshaan gubay waxay u egyihiin dad lasoo faray xilligan laguma jiro mar qabiil qabiil loo diriro, waxaan tan u aragnaa in lagu fashilinaayo wejiga labaad ee dagaalka,”.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan eedeyntan cusub ee loo jeediyay.

Si kastaba, Gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaas oo guullo waa weyn laga gaaray.

339076210_1777999202601194_8383944072028 338890563_780243646800764_20980263604057 339409120_741345790963974_42727383385672

The post Sawirro: AL-SHABAAB oo billowday xeelad ay uga hortageyso dagaalka DF appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this