Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay laba eedaysane oo loo haysto dhac

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir ayaa howlgal ay sameeyeen kadib  gacanta kusoo dhigay laba nin oo ku eedaysane in ay dhac ka geysanayeen degmadaas.

Labada eedaysane ayaa lagu qabtay mooto bajaaj iyo bistoolad caag ah oo ay ku cabsi gelin jireen dadka si ay dhac ugu geystaan sida uu sheegay Booliiska Saldhiga degmada Waaberi.

Taliska guud ee Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa laga soo xigtay in labada eedaysane baaritaan lagu samaynayo kadibna sharciga la marin doono haddii ay ku caddaato eedaynta.

PUNTLAND POST

The post Booliska Muqdisho oo gacanta ku dhigay laba eedaysane oo loo haysto dhac appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this