Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisadda magaalada Laascaanood oo ku sii fidaysa degaanno horleh

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230402_084311363.jpg?resize=621

Xiisadda Laascaanood ayaa ku sii fidaysa degaannada laamiga saaran oo marin u ah gurmadka iyo saadka Ciidamada Somaliland ee fadhiya Gooja-cadde.

Iska hor-imaad hubaysan oo khasaare dhimasho iyo dhaawac sababay ayaa xalay ka dhacay degaanka Adhicaddeeye oo qiyaastii 30km u jirta magaalada Laascaanood.

Iska hor imaadka ayaa dhexmaray Ciidamada Somaliland iyo shacabka Adhicaddeeye oo xirtay jidka laamiga ah islamarkaana diiddan in la dhexmariyo dhaawaca iyo meydadka Somaliland.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iska hor-imaadkaas ku dileen laba haween ah oo mid kood markii danbe dhiig-bax u geeriyootay kadib markii ay diideen in isbitaal loo qaado.

PUNTLAND POST

The post Xiisadda magaalada Laascaanood oo ku sii fidaysa degaanno horleh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this