Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergayga arimaha Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16803858600281575.jpg?resize=720%

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdikariim Xuseen Guuleed Ergayga arimaha Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in Dowlada Federaalka ay ka go’an tahay xaqiijinta midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed, si taas loo gaarana ay u baahan tahay talo wadaag, is dhageysi, wadahadal iyo in xal waara laga gaaro tabashooyinka ay qabaan Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg u faray Ergayga in uu diiradda saaro sidii loo ambaqaadi lahaa wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Somaliland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay ergayga arimaha Somaliland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this