Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya

Recommended Posts

Deeq A.   
Xamza-Xamze-Xamsa.jpg?fit=960%2C640&ssl=

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa ka qeyb-galay Munaasabad Af-fur ah oo lagu maamuusayey sannad-guuradii koowaad ee ka soo wareegtay markii howlgalkii hore ee Midowga Afrika ee AMISOM loo beddelay ATMIS.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyey dadaalkooda naf-hurnimada ah ee ku aaddan nabadeynta iyo xasillinta Soomaaliya, howlgalka Midowga Afrika ayaa halkii sano ee lasoo dhaafay ku howlgelayey magaca ATMIS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo kooxda Al-Shabaab, isagoo tilmaamay in xukuumadiisu ay ku guuleystay xoreynta in ka badan 70 magaalo iyo tuulooyin dhaca saddex gobol oo dalka ka mid ah.

Wuxuu sheegay in magaalooyinkaas ay hadda xor ka yihiin kooxda Al-Shabaab, isla markaana ay dowladdu ka hirgelinayso adeegyadii aasaasiga ahaa ee bulshada.

“Waxaan rajeyneynaa in aan aragno Soomaaliya cusub mustqablka dhow, Soomaaliya ka xarowday deyn, Al-Shabaab iyo xasillooni darro siyaasadeed. Waxaana ku han-weynahay xaqiijinta taageero aan ku hiigsanno himilooyinkeenna istiraatijiga ah,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamse.

R/Wasaaraha ayaa sheegay xukuumadiisu ay dagaalka Argagixisada ku wajahday dagaal saddex jiho ah oo muhiim ah, isagoo sheegay in tallaabooyinkaas ay horseedeen jab-xoog leh oo gaaray kooxda.

Wuxuu intaas sii raaciyay in waddamada dariska la ah Soomaaliya ay diyaar u yihiin in ay ku soo biiraan howlgalka ciribtirayo kooxaha argagixisada ah ee ka dagaalamaya gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Xamse Barre ayaa tilmaamay in xukuumadiisu ay sii wadi doonto wada-shaqeynta dhow ee ay la leedahay ATMIS iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo Soomaaliya horumar iyo xasillooni ku naaloota.

339118015_1233162073981829_5197709617863 339259341_1424277644973553_3192337376493 339261472_146066211735547_20380192725088 Cabdulqaadir-Jaamac-gaashaandhigga.jpg?r Farxaan-Jimcaale.jpg?resize=696%2C464&ss Madaxa-ATMIS.jpg?resize=696%2C487&ssl=1 Xamsa-Atmis.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 xamsa.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 Xamza-Xamze-Xamsa.jpg?resize=696%2C464&s Xuseen-Macalin.jpg?resize=696%2C464&ssl= Zakiya-Xuseen.jpg?resize=696%2C464&ssl=1 338843006_600472568639326_19175724392713 338852662_1857568541282164_8561664399667 339007468_136749979355023_82387152783455 339037296_139156302241071_21893954098914

The post Sawirro: Xamza oo shaaciyey qorshe cusub oo dagaalka Al-Shabaab ah iyo dalal kusoo biiraya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this