Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo qabatay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan ka tirsanaa Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1680339809180.jpg?fit=689%2C408&s

Laascaanood (Caasimada Online) – Ciidanka milatariga Somaliland oo maanta markale dagaal culus la galay ciidamada deegaanka Laascaanood ayaa soo bandhigay ku dhowaad 10 maxaabiis ah oo ay ku qabteen dagaal maanta ka dhacay duleedka magaaladaasi.

Somaliland ayaa soo bandhigtay illaa 6 maxaabiis ah oo uu ku jiro Faarax Dalmar oo horay uga tirsanaa golaha wakiilada Puntland, kana soo jeeda magaalada Laascaanood.

Dalmar ayaa horraantii sanadkan iska casilay xubinimadii baarlamaanka Puntland, wuxuuna toos uga biiray dagaalka ay dadka deegaanka kula jiraan xukuumadda Hargeysa.

Sawirrada ragga la qabtay oo uu kamid yahay Faarax Dalmar ayay sii baahiyeen ciidanka Somaliland, waxaana lagu daabacay baraha bulshada ee Internet-ka.

Sidoo kale Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in dagaalka maanta dhacay ay ku qasatay gaadiid dagaal iyo hub culus, sida ay hadalka u dhigtay.

Wasaaradda arrimaha gudaha ee maamulka Somaliland oo ka hadashay dagaalkan waxa ay sheegtay in weerarka saaka ay soo qaadeen kooxo argagixiso ah iyo ciidanka Puntland, balse ciidanka milatariga Somaliland ay iska difaaceen, sida ay hadalka u dhigtay.

“Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa fashiliyey isku day weerar oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada ah iyo huwanta kale ee uu hoggaamiyo maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Dagaalka maanta waxa uu Ciidanka Qaranku JSL ka soo hooyay guullo waawayn.,” ayaa lagu yiri waraxaafadeedka kasoo baxay maamulka Somaliland

Dhinaca kale hoggaanka SSC ee ku sugan Laascaanood ayaa iyaguna guul ka sheegtay dagaalka ay maanta la galeen Somaliland, waxayna tilmaameen inay hayaan maxaabiis.

Si kastaba, xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyada ugu xoogan ay ka socdaan aagga xerada Goojacadde oo ay gacanta ku hayaan milatariga Somaliland.

FB_IMG_1680339816589.jpg?resize=696%2C45 FB_IMG_1680339809180.jpg?resize=689%2C40 FB_IMG_1680339813161.jpg?resize=696%2C50

The post Somaliland oo qabatay maxaabiis uu ku jiro xildhibaan ka tirsanaa Puntland appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this