SOO MAAL Posted November 11, 2005 Cumar Muusa Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan Yimaado Soomaliya. Warkii: Nov 11, 2005 Qaahira(Radiossc.net):-Warar laga helayo Xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira ayaa waxaa ay sheegayaan in Xoghayaha guud Ururkaasi Caamar Muusaa uu booqasho ku imaan doono Dalka Soomaaliya. Wararku waxay intaas ku darayaan in si dhab ah loo sheegi doono Booqashada Xoghayaha Jaamacada Carabta Caamar Muusa uu ku imaanayo Xarunta Dawlada ku meel gaadhka ah ee Jawhar,,marka ay warbixin u gudbiyaan Waftidigii Jaamacadda Carabta ee dhowaan booqashada ku yimi Degmada Jowhar ee xarunta DKFS. Arintan ayaa waxa ay soo baxday markii Magaalada Jowhar ay booqdeen Wafdi sare oo Jaamacadda Carabta ka tirsan oo uu hogaaminayay Madaxa Qeybta Afrika Iyo Feylka Siyaasadda Soomaaliya Danjire Samiir Xusni ayna ka mid ahaayeen Saalim Alkhuseybi oo ah Ergeyga Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ugu qeybsan arimaha Soomaaliya , Kaaliyaha arimaha Soomaaliya C/lla Mubaarak Alcariimi iyo dhowr diblomaasiyiin Carbeed oo kale . Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho noqonaysa Talaabo weyn ee ay horay u qaaday dhinaca Siyaasada Xukuumada Ra’isul wasaaraha Cali Max’ed Geedi,oo carqalad weyn la kumay ,kadib markii Koox iskugu jirta Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu hogaamiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ay Diideen qorshaha Dawladiisa. Radiossc.net Quote Share this post Link to post Share on other sites