Sign in to follow this  
SOO MAAL

Cumar Muusa Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan Yimaado Soomaliya.

Recommended Posts

SOO MAAL   

Cumar Muusa Oo Lagu Wado Inuu Dhawaan Yimaado Soomaliya.

Warkii: Nov 11, 2005

Qaahira(Radiossc.net):-Warar laga helayo Xarunta Ururka Jaamacadda Carabta ee Qaahira ayaa waxaa ay sheegayaan in Xoghayaha guud Ururkaasi Caamar Muusaa uu booqasho ku imaan doono Dalka Soomaaliya.

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in si dhab ah loo sheegi doono Booqashada Xoghayaha Jaamacada Carabta Caamar Muusa uu ku imaanayo Xarunta Dawlada ku meel gaadhka ah ee Jawhar,,marka ay warbixin u gudbiyaan Waftidigii Jaamacadda Carabta ee dhowaan booqashada ku yimi Degmada Jowhar ee xarunta DKFS.

 

Arintan ayaa waxa ay soo baxday markii Magaalada Jowhar ay booqdeen Wafdi sare oo Jaamacadda Carabta ka tirsan oo uu hogaaminayay Madaxa Qeybta Afrika Iyo Feylka Siyaasadda Soomaaliya Danjire Samiir Xusni ayna ka mid ahaayeen Saalim Alkhuseybi oo ah Ergeyga Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta ugu qeybsan arimaha Soomaaliya , Kaaliyaha arimaha Soomaaliya C/lla Mubaarak Alcariimi iyo dhowr diblomaasiyiin Carbeed oo kale .

 

Talaabadan ayaa hadii ay hirgasho noqonaysa Talaabo weyn ee ay horay u qaaday dhinaca Siyaasada Xukuumada Ra’isul wasaaraha Cali Max’ed Geedi,oo carqalad weyn la kumay ,kadib markii Koox iskugu jirta Wasiiro iyo Xildhibaano oo uu hogaamiyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan ay Diideen qorshaha Dawladiisa.

 

 

 

Radiossc.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this