Deeq A. Posted April 1, 2023 Wararka naga soo gaaro magaalada Cabdudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka kacay dab geystay khasaare kale duwan, kadib markii uu dab qabsaday goobo gacansi. Dabka ayaa ka dhashay sida ay sheegayaan wararka nasoo gaarayo Kaalin Shidaal xilli lagu shubayay, taasoo sababtay inuu dabku si xowli ah ugu faafo goobo ganacsi oo la daris ahaa halka uu ka bilowday. Dabka ayaa marka laga soo tago inuu sababay khasaare Hantiyadeed oo baaxad leh, waxaa sidoo kale jiro dad ku dhaawacmay, kuwaas oo waxyeelo soo gaartay xilli ay ku jireen gurmadka lagu daminayay Dabka. Khasaaraha uu dhaliyay dabka ayaa waxaa sii kordhiyay in magaalada aysan laheyn gawaarida Gadiidka loogu talo galay dabdamiska, waxaana bulshadu isku dayayeen in iskooda ay ku joojiyaan faafitaankiisa. Magaalooyinka inta badan marka uu dabka ka kaco waxaa ka qeyb qaata gaadiidka dabdamiska, waxaana inta badan gobollada dalka aan ka jirin gaadiidka gurmadka deg dega ah mid dowlo ama shakhsiyadeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites