Sign in to follow this  
Deeq A.

Sarkaal ka tirsan C.I.D-da Puntland oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal ka tirsan waaxda danbi baarista C.I.D-da Puntland ayaa xalay lagu dhaawacay magaalada Gaalkacyo kadib qarax loogu xiray gaarigiisa.

Sarkaalkan oo magaciisu yahay Gaandi Boonbale ayaa sida la sheegayo qaraxa lagula eegtay isgoyska Buula-dooro ee waqooyiga Gaalkacyo.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba ruux oo kale islamarkaana loo qaaday goobaha caafimaadka.

Laamaha amniga Puntland weli kama hadlin dhacdadaas sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

The post Sarkaal ka tirsan C.I.D-da Puntland oo ku dhaawacmay qarax ka dhacay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this