Deeq A. Posted April 1, 2023 Ciidamada Somaliland ayaa mar kale saaka weerar ku soo qaaday magaalada Laascaanood kadib markii ay ku fashilmeen weerarkii shalay. Jihooyinka galbeedka iyo bariga Laascaanood ayay weerar ka soo qaadeen sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo dhinaca amniga ah. Dagaalka xooggiisa ayaa sida la soo werinayo ka socda dhanka galbeed ee Laascaanood halkaas oo laga maqlayo hubka culus. Weli faahfaahin intaas dhaafsan lagama hayo dagaalka socda islamarkaana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas. PUNTLAND POST The post Dagaal mar kale saaka ka qarxay hareeraha Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites