Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada-hadlay Qodoba muhiim ah

Recommended Posts

Deeq A.   
Polish_20230401_055738760.jpg?resize=717

Safiirka Soomaaliya u qaabilsan dalka Serbia Mudane Maxamed Cabdullaahi Axmed ayaa kulan la qaatay  Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Maaliyadda dowladda Serbia Dr. Siniša Mali.

kulanka labada mas’uul ayaa looga hadlay Arrimaha deyn cafin (debt relief), qaabka casriga ah ee canshuur uruurinta(systematic tax collection), wadashaqeynta Bankiyada labada dal, Isku xirka rugaha ganacsi ee labadda dal sida ay sheegtay safaaradda Soomaaliya ee Serbia.

Wasiirka Horumarinta Serbia Mudane Edin Đjerlek ayaa sidoo kale dhawaan booqday  safaaradda Soomaaliya ee Serbia halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaatay danjire Maxamed Cabdullaahi Axmed kaas oo la xiriiray xoojinta xiriirka labada dal.

PUNTLAND POST

The post Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia oo ka wada-hadlay Qodoba muhiim ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this