Sign in to follow this  
Deeq A.

Hooyo Soomaaliyada afar caruur ah oo Mataano umushay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hooyo Soomaaliyada afar caruur ah Mar wada umushay

Hooyo Soomaaliyeed ayaa mar kaliya afar caruur ah ku umushay Isbitaalka hooyada iyo dhallaanka Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Caruurtan oo ka kooban afar gabdhood ayaa waxaa si dabiici ah u dhashay Hooyo Soomaaliyeed oo ka timid degmada Cadale ee gobolka Sh/dhexe sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray maamulka Isbitaalka Banaadir oo u qornaa sidan hoose:-

Xalay waxaa isbitaalka Banadir 4 caruur (Quadruplets) ah ku dhashay hooyo somaaliyeed waxaana u qabanay adeeg Caafimaad.

Wuxuuna ALLAH ugu deeqay Mataano kuligood gabdho ah, ILAAHEY mahadiiisa waxey noogu dhashay si dabiici Ah SVD ILAAHEY wuxuu ku arsaaqay 4 Gabdhood hadana hooyada iyo afarteyda gabdhood way  caafimad qabaan waa ALLAH mahadiiisa.

Hooyada waxey ka timid Degmada Cadale ee gobolka Shabellada dhexe taariikhda inta la xasuusto Soomaaliya si gaar ah Isbitaalka Banaadir waa markii ugu horeysay aan aragno qisadaan 4 canug ah weliba si dabiici inay ku dhasho waa Alle mahadiis.

Hooyada iyo caruurteeda waxey nooga baahanyihiin garab istaag maadaama ay tahay qof baadiyaha Cadale ka timid oo ka soo jeeda qoys danyar ah.

Waxan u mahadnqayaa dhamaan shaqaalihii sida hufan shaqadaas qabtay afarta gabdhood 2 u horeysay waxay ahaayeen dabakeen. ALLAHU AKBAR.

339273966_520492306916980_85002997995999

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this