Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   
somaliland.jpg?fit=960%2C956&ssl=1

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa war kasoo saartay biriijyada (buundooyinka) waxyeelada ba’an soo gaartay ee Imaaraadka Carabta uu maal-galiyay ee mashruucii Berbera (Berbera Corridor).

War-saxaafadeed ay soo saartay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa waxay xukuumadda iskaga fogeysay faddeexada ka dhalatay mashruucaasi, iyada oo sheegtay in Imaaraadka uu toos ula galay heshiiska fulinta mashruucaasi shirkadaha fuliyay.

“Somaliland waxa kaliya oo doorkeedu ahaa la wareegida mashruucan marka uu dhamaado muddo cayiman kadib oo ah marka uu mashruucan ka baxo muddada tijaabadda (Liability Period,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland.

Qoraalka ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in shirkadaha NBHH iyo Conser ay iyagu lahaayeen dhismaha waddada iyo biriijyada, iyo naqshada & kormeerka shaqada maalinlaha ah, kuwaasi oo heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan Abu-Dhabi Fund for Development.

“Waxaa jiray heshiis u dhaxeeyay dowladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo dowladda Imaaraadka (UAE) oo dhigayay in xaga Somaliland laga soo magacaabo guddi farsamo, iyaguna qeyb kama ahayn heshiiska u dhaxeeyay shirkadaha dhismaha waday iyo Imaaraadka, wuxuuna doorkooda ku koobna kaliya korjoogtayn.”

Wasaaradda ayaa ugu dambeyntiina sheegtay in shirkadaha mashruucan fulintiisa lahaa ee heshiiska la galay Imaaraadka, gaar ahaan sanduuqa horumarinta Abu-Dhabi (ADFD) ay diyaar u yihiin “in la saxo hadba wixii khaladaad ah ee soo baxa.”

Mashruuca Berbera Corridor oo la filayay inuu yahay mashruuca ugu heer sareeya ayaa tan iyo markii la galay xilli roobaadka waxaa soo baxeysay faddeexad muujineysa in mashruucan la musuq-maasuqay, islamarkaana aan waddooyinka iyo biriijyada uu maal-galiyay Imaaraadka aysan tayadooda wanaagsaneyn.

Hoos ka arag sawirada biriijyada waxyeellada soo gaartay iyo qoraalka wasaaradda
FB_IMG_1680259794274.jpg?resize=696%2C92
FB_IMG_1680259822942.jpg?resize=696%2C52
FB_IMG_1680259827743.jpg?resize=696%2C92
FB_IMG_1680259832263.jpg?resize=696%2C52
FB_IMG_1680259798144.jpg?resize=696%2C92
FB_IMG_1680259781986.jpg?resize=696%2C10
FB_IMG_1680259784449.jpg?resize=696%2C10

The post Somaliland oo iska fogeysay faddeexad ka dhalatay mashruucii Imaaraadka ee Berbera appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this