Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Maraykanka oo war kasoo saartay xaaladda Laascaanood iyo Madax-dhaqameedkii Muqdisho ka yimid ee tagey gobolka Sool.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawladda Maraykanka oo war kasoo saartay xaaladda Laascaanood ayaa walaac xooggan ka muujisay, iyadoo sidoo kale xukuumadda Somaliland ugu baaqdey in ay ciidamadeeda dib u qaado, halka Maleeshiyaadka ka dagaallamaya gudaha Laascaanood loogu baaqey in aanay weerarin ciidanka Somaliland.

Maraykanku waxaa kale oo uu sheegay in ay diyaar u yihiin xayiraado dhanka Socdaalka ah oo ay kusoo rogaan shakhsiyaad iyo saraakiil hore oo Soomaali ah kuwaasi oo masuul ka ah buu yidhi wiiqitaanka Dimuqraadiyadda Soomaaliya isla markaana ay ku jirto Somaliland.

Dhanka kale, War-saxaafaddeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa lagaga hadlay Madax-dhaqameedkii Muqdisho ee dhawaan tagey magaalada Laascaanood.

“Waxaan taageersannahay ka qayb-galka wax ku oolka ah ee dawladda Faderaalka Soomaaliya iyo ergada odayaal-dhaqameedka, annaga oo soo dhoweynayna aqbaaladda uu muujiyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ee ah in uu Hargeysa kula kulmayo.” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay Wadaaradda Arrimaha-dibedda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this