Deeq A. Posted March 31, 2023 Dagaal xooggan ayaa sida la soo werinayo ka socda jihooyin kala duwan oo kamid ah jiidda Laascaanood. Ciidamada Somaliland ayaa la xaqiijinayaa in ay weerarka soo qaadeen si ay dib ugu qabsadaan magaalada Laascaanood. Waxaase weerarkaas si adag isaga difaacay Daraawiishta SSC-Khaatumo oo sii hayay xogta dhaq dhaqaaqa ciidamada Somaliland. Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale masaafo durugsan ka soo ridaya madaafiic ay la dhacayaan gudaha Laascaanood. Taliska Somaliland ayaa in ka badan 50 maalmood dagaal ku haya Laascaanood si uu dib ugu qabsado waxaase mar kasta iska difaaca dadka degaanka. PUNTLAND POST The post Dagaal ka socda jihooyin kamid ah jiidda Laascaanood appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites