Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waxaanu noqon doonaa dalka ugu danbeeya ee Somaliland aqoonsada…” Madaxweynaha Jabuuti oo shaaciyay mowqifka ay dowladdiisu ka qabto Aqoonsiga Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay wargeyska Jeune Afrique ee kasoo baxa dalka Faransiiska ayaa caddeeyay mowqifka ay dowladdiisa ka qabto aqoonsiga.

Geelle oo la weydiiyay in xukuumaddiisu ay aqbali doonto madaxbannaanida Somaliland oo ictiraaf raadineysay in ka badan soddon sanno ayaa sheegay in waddankiisu aanu diyaar u ahayn.

“Waxa aan nahay dalkii u dhanbeeyay ee aqoonsi hela marka ma rabno inan abuurno dhibaato dhanka xuduuda ah,” ayuu yidhi Madaxweyneha Jabuuri.

Isagoo sii wata hadalkiisa ayuu sheegay in dowladda federaalka Soomaaliya ay la wadaagaan xidhiidh qota dheer, ayna tixgelinayaan madaxbannaanideeda dhuleed

“Madaxda dalalka deriska waxa aan la leenahay cilaaqad saaxiibtinimo, annaguna waannu kala shaqeynaa xidhiidhka, sido kale waxaan xidhiidh la leenahay dowladda Soomaaliya, iyadoo ay taasi ku kala duwan yihiin in Soomaaliya ay tahay dawladda Federaalka, oo aan ixtiraameyno midnimadeda dhuleed,” ayuu yidhi.

Hadalka Madaxweynaha Jabuuti ayaa dhaliyay hadal-heyn aad u ballaadhan oo qabsatay baraha bulshada, iyadoo dad badan ay faafinayeen wareysiga uu bixiyay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this