Sign in to follow this  
Fabregas

C/fitaax Shaaweey: Talaabo ayaan ka qaadeynaa ciidadama dhaca u geysta dadka

Recommended Posts

Fabregas   

Mogadishu 31, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Guddoomiye K/xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhac uu sheegay in ciidamada dowladda ay u geystaan dadka rayidka ah.

 

C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho uu ka xoog badnaa dagaaladii hore isla markaana uu u muuqday mid u dhaxeeya dadka degan deegaanada uu dagaalku ka qarxay iyo ciidamada dowladda KMG ah.

 

Waxa uu ugu baaqay dadka in ay joojiyaan dagaalada isla markaana wixii ay tabanayaan lagu xaliyo wada hadal inta aanu dad badan geeriyoon, arintana lagu dhameeyo hab nabadgalyo ah ay muhim tahay in loo maro oo dhibaatada aan la sii kordhin.

 

C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa sidoo kale sheegay in uu helayo warar sheegaya in ciidamada dowladda kMG ah ay dadka dhacayaan isla markaana ay ku amrayaan in guryahooda ay ka baxaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Waxa uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan qorshooyin ay ku dabo galayaan arinkaasi isla markaana ay ug hortagaan sidii dadka aanu dhibaato loogu geysan.

 

Waxa uu ku nuux nuuxsaday in ciidamada aan loogu dirin dadka in ay dhibaateeyaan balse loogu diray in dadka amnigooda ay sugaan.

 

Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmaya xilli rabshado iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho 4 tii maalmood ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux oo u badan dad rayid ah.

 

Click here to find shabelle news in English

 

Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Email Us: news@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this