Fabregas Posted October 31, 2007 Mogadishu 31, Oct. 07 ( Sh.M.Network)- Guddoomiye K/xigeenka dhinaca amaanka ee maamulka gobolka Banadir ayaa sheegay in ay wax ka qabanayaan dhac uu sheegay in ciidamada dowladda ay u geystaan dadka rayidka ah. C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii ka dhacay magaalada Muqdisho uu ka xoog badnaa dagaaladii hore isla markaana uu u muuqday mid u dhaxeeya dadka degan deegaanada uu dagaalku ka qarxay iyo ciidamada dowladda KMG ah. Waxa uu ugu baaqay dadka in ay joojiyaan dagaalada isla markaana wixii ay tabanayaan lagu xaliyo wada hadal inta aanu dad badan geeriyoon, arintana lagu dhameeyo hab nabadgalyo ah ay muhim tahay in loo maro oo dhibaatada aan la sii kordhin. C/fitaax Ibraahim Shaaweey ayaa sidoo kale sheegay in uu helayo warar sheegaya in ciidamada dowladda kMG ah ay dadka dhacayaan isla markaana ay ku amrayaan in guryahooda ay ka baxaan sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu intaasi ku daray in haatan ay wadaan qorshooyin ay ku dabo galayaan arinkaasi isla markaana ay ug hortagaan sidii dadka aanu dhibaato loogu geysan. Waxa uu ku nuux nuuxsaday in ciidamada aan loogu dirin dadka in ay dhibaateeyaan balse loogu diray in dadka amnigooda ay sugaan. Hadalka Mas'uulkaan ayaa ku soo beegmaya xilli rabshado iyo iska horimaadyo ka dhacay magaalada Muqdisho 4 tii maalmood ee la soo dhaafay ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 30 ruux oo u badan dad rayid ah. Click here to find shabelle news in English Halkaan ka dhageyso warar ku baxaya luuqadda English ka Shabelle Media Network Somalia E-mail us: info@shabelle.net Email Us: news@shabelle.net Quote Share this post Link to post Share on other sites