Jacaylbaro Posted April 5, 2007 hadhwanaag 2007-04-05 (Hadhwanaagnews) Hargeysa(HWN):- Xukuumada Somaliland ayaa ku guuldareysatay inay saaka is hortaagto xafladii lagaga dhawaaqi lahaa Urur Siyaasadeed Oo cusub, isla markaana oo galalaftay hotelkii loo qoondeeyey in ururka lagu shaaciyo.. Ururkan siyaadeed cusub ayaa maanta lagaga dhawaaqay caasimada Hargeysa ,kaas oo lagu sheegay Magaciisa [QARAN] marka la soo gaadbiyana (Ururka Nabada IYO Horumarinta Somaliland) U jeedada loo asaasay ayaa la sheegay inay kadanbeysay. -Iyadoo xisbiyadi dalka ka jiray aanay u wada dhameyn siyaasiyiin badan oo wadanka horumar gaadhsiin lahaa. -Iyo Xisabiyadii sadexda ahaa [uDUB,UCID, KULMIYE] ay noqonwaayeen qaar hanoqaada. Sida waxay ku sheegeen shirjaraa’iid oo ay manta sida wada jira ugu qabteen xaruntiisa sadexda hogaamiye ee ururkaasi. Sidoo kale waxay sheegeen inaanu dasduurku iska hortaageyn inay sameystaan urur siyaasadeed oo cusub, isla markaana tartan kula xisbiyadii hore ee jiray doorashada Golaha Deegaanka Waxa Gudoomiye ka ah Gudoomiyihii hore ururkii la odhan jiray SAHAN ee ku guuldareystay inuu ka mid noqdo sadexdii xisbi qaran ee dalka ka jira, Dr, Maxamed Cabdi Gaboose. Waxaanay kala yihiin labada Gudoomiye kuxigeen 1. Jamaal Ibraahim Caydiid 2. Maxamed Xaashi Cilmi Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jaylaani Posted April 5, 2007 I think it's about time. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jaylaani Posted April 5, 2007 The time for Somaliland intellectuals to come forward. I'm tire of following skari (soldier) iyo has been politicians. Quote Share this post Link to post Share on other sites