Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Ruushka oo laga yaabo in uu booqdo Turkiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in dhigiisa Ruushka Vladimir Putin laga yaabo inuu booqdo Turkiga 27-ka bisha soo socota ee Abriil, si uu u daah-furayo koronto-dhaliyaha tamarta Nukliyeerka ee ugu horreeyay ee ay dhisto shirkadda tamarta Nukliyeerka ee Ruushka ee Rosatom.

“Waxaa laga yaabaa inay jirto suurtagalnimada in Mr Putin uu yimaado 27-ka Abriil, ama waxaa laga yaabaa inaan ka dhigno xafladda caleema-saarka mid online ah” ayuu Erdogan ku yiri faallooyin laga sii daayay telefishinka ATV.

Turkiga ayaa shidaalkii ugu horeeyay ee Nukliyeer ah ku shubi doona qeybta ugu horeysa ee tamarta Nukliyeerka ee magaalada Akkuyu.

Mashruucan oo ku kacaya $20 bilyan, ayaa Turkiga u oggolaan doonta inuu ku biiro kooxda yar ee leh tamarta nukliyeerka rayidka ah.

PUNTLAND POST

The post Madaxweynaha Ruushka oo laga yaabo in uu booqdo Turkiga appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this