Gabbal Posted February 5, 2007 Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Maanta Ka Dhacay Duleedka Degmeda Guriceel Iyo Col. Xiif Cali Taar Oo Gaaray Magaalada Balan-Balle Feb 05,2007 by Balanballe-GEDO-NN Wararka ka imaanaya magaalada Balan-Balle ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi uu gaaray ciidamo uu watay Col.Xiif Cali Taar kadib dagaal uu maanta si gaadmo ah ay isaga hor-yimaadeen isaga iyo dableey hubaysan koonfurta magaalada Guriceel. Wararkii ugu danbeeyay waxay sheegayaan khasaaraha soo gaaray ciidanka Col. Xiif sadex Askari oo dhaawac ah kaliya, taasoo meesha ka saaraysa Dhimashadii 8 askari ee markii hore lagu sheegay inay ciidamada Kornaylka ka dhinteen. Waxaase warar lagu kalsoonaan karo sheegayaan in dableeydii dagaalka bilowday ay halkaasi kaga dhinteen tiro aan la ciyimin iyo dhaawac aad u badan. Wararka la helayo waxay intaasi ku darayaan in gaarigii ugu horeeyay ee ay rasaasta dableeydu haleeshay lagu qabtay labo xildhibaan oo midi ka tirsan yahay Dowlada Federaalka xildhibaankaasoo ah Haweeneey, iyo Xildhibaan kale oo ka tirsan Maamul Goboleedka Puntland iyo sidoo kale nin magac wayn ku leh bulshada Puntland isagoo dhaawac ah. Odayaal reer Guriceel ah oo ay xiriir la sameeyaan saraakiisha maamul goboleedka Puntland ayaa sheegaya in laga codsaday inay soo wareejiyaan xildhibaanada iyo masuulka kale ee dhaawaca ah ee ay haystaan Dableeydii dagaalka Bilowday. Labada xildhibaan ayaa la sheegay in lagu hayo meel lagu magacaabo Ceel-Dheer oo u dhaw degmeda Guriceel, ayna bad qabaan labadaasi, waxaase wali aan la sheegin masuulka kale halka lagu hayo. Dhanka kale ciidamo ka tirsan Dowlada Federaalka Somaliya oo ku sugnaa magaalada Caabudwaaq ayaa kasoo ruqaansaday halkaas kuna soo jeeda Degmeda Guriceel si aa xasiloonidii halkaasi ugu soo celiyaan. Ilo wareedyo kale ayaa muujinaya cabsi wayn oo laga qabo in ay dableeydu dilaan masuulka dhaawaca ah ee ay hayaan maadaama uu dagaalkii maanta khasaare ba'an kasoo gaaray ragii ka tirsanaa dableeyda. Maxamed Jaamac Faarax-Gedo News Network-Puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
ansaar17 Posted February 5, 2007 one tribe cannot hide under the notion that they represent all of somalia. the puntlanders are not the army of somalia but a tribal militia just like any other tribal militia. and in every incounter they had with other militias they have been beaten although they hide under the cloak (cidamada dowlada)! Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 5, 2007 ^^^You are a comdedian, the clan that pretended as you to represent somehting bigger than what they are have been found wanting. The TFG armed forces were just passing through and those that wanted to get in their way have been taught a lesson..Simple as that. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ansaar17 Posted February 5, 2007 lol, you can't even defeat local militias on your own. you rely much on the ethiopians and their tanks. we know for sure if the ethiopians leave that yeey will follow because he will not survive without the ethiopians Like I said, one tribal militia cannot cliam to represent all of somalia. no one supports this govt, except people like you simply because of tribal reasons. I doubt you would be cheerleading like this if someone other than YEEY was in power. Quote Share this post Link to post Share on other sites
General Duke Posted February 5, 2007 ^^^Who set out to defeat anyone, the convoy was heading up North, it came under attack, the millitia that attacked got a good hiding and the convoy went on. I see you are celebrating as usual for achieving nothing, just dont bring trouble to the locals of Guriceel district.. Quote Share this post Link to post Share on other sites