Sign in to follow this  
Deeq A.

Nin dil iyo ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   
338849843_210889098219624_24967744635054

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Booliska ee gobolka Banaadir ayaa maanta gacanta kusoo dhigay nin shalay dil arxan darro ahaa ka geystay masjid ku yaal deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho.

Eedeysanaha oo lagu magacaabo Mukhtaar Cali Xuseen ayaa loo heystaa dilka marxuum Macallin Ibraahim Cabdi Cabdulle oo Imaam ka ahaa masjidka uu dilka ka dhacay.

Sidoo kale eedeysanaha ayaa dhaawac halis ah u geystay wiil dhalinyaro ah isna Mu’adin ka ahaa masjidkaasi, sida uu shaaciyay Taliska Booliska ee Gobolka Banaadir.

Qoraal kasoo baxay Booliska ayaa waxaa lagu sheegay in eedeysanaha uu ku sugnaa degmada Warta Nabadda, isla-markaana uu hataan soo galay gacanta dowladda.

“Ciidanka Boliiska Saldhigga degmada Warta nabadda ayaa saaka gacanta ku soo dhigay nin lagu eedeeyay in uu dil ugaystay imaamka masaajid ku yaala deegaanka Garasbaaleey, halka uu dhaawacay mu’adinkii masaajidka Shalay oo bishu ahayd 29 bisha March,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay taliska Booliska ee Gobolka Banaadir

Sidoo kale Booliska ayaa shaaca ka qaaday in eedeysanaha uu ahaa Tabliiq, isla-markaana uu dilka iyo dhaawac uu u adeegsaday baangad.

“Eedaysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad, waxaana la sheegay in uu tabliiq ahaay masjidkana uu moddo joogay,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah ee Booliska.

Labada dhibane ayaa saaladdii subax ee shalay midna uu aqimay, midna uu salaadda tujiyay jamaacada masjidka, balse kadib waxaa dhacday arrintaan la yaabka leh.

Si kastaba, dhacdadan ayaa argagax ku reebtay dadka deegaanka, waxaana sidoo kale aad looga hadal hayaa baraha ay bulshada ku wada xiriiraan ee Internet-ka.

The post Nin dil iyo ka geystay masjid ku yaalla duleedka Muqdisho oo lasoo qabtay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this